Metaverse Mark Zuckerberg, Oo Ah Aasaasaha Shirkadda Facebook, Magaca Cusub Ee Uu Ula Baxay Shirkadiisa Isagoo Ka Badalay Magaca Shirkadda Facebook Oo Uu U Badalay Meta, Oo Ka Timid Meta-verse, Taasoo U Akra In Ay Tahay Mustaqbalka Shirkadda.
Meta-verse waa duni dhijitaal ah oo bixisa isku-dar gaar ah oo muuqaalo muuqaal ah iyo kuwa adduunka dhabta ah. Waa madal u saamaxaysa isticmaaleyaasha in ay is dhexgalaan oo ay xogta u wadaagaan si ka badan sidii hore.
Waa Maxay Erayga Meta-verse?
Qoraaga Neil Stephenson Waxa Uu Ereyga Meta-verse Markii Ugu Horreysay Ku Soo Daray Sheeko Ku Saabsiisan Cilmiga Sayniska Ee Snow Crash Sannadkii 1992-Kii, Kaas Oo Caddaynaya In Ereygu Aanu Xidhiidh Toos Ah La Lahayn Facebook Ama Shirkadda Meta, Oo Uu Intaas Ka Da’ Weyn Yahay. Ilaa Sideetameeyadii, Erayga Meta-verse Waxa Uu Ka Soo Muuqday Riwaayado Badan Iyo Filimaan Khayaali Ah Oo Saynis Ah, Sida Burning Chrome Oo Uu Qoray Qoraagii Maraykanka Ahaa Ee William Gibson Iyo Ready Player One Ee Uu Qoray Steven Spielberg.
Ilaa Hadda Ma Jirto Qeexitaan Cad Oo La Hubo Oo Lagu Macneeyay Ereyga Meta-verse, Maadaama Erayga “Meta-verse” Uu Yahay Wax Aan Hadda Jirin,
Laakiin Meta, Oo Ah Shirkadda Facebook, Ayaa Sheegtay In Meta-verse-Ku Yahay Isku-Dhafka Khibradaha Bulsheed Ee Laga Heli Karo Internetka, Taas Oo Laga Yaabo In Mararka Qaarkood Lagu Heli Karo Habka 3D Stereoscopic Ama Iyada Oo Loo Marayo Isdhexgalka Xaqiiqda Dhabta Ah, Iyada Oo La Tixraacayo Ku Tiirsanaanta Tignoolajiyada Dhabta Ah Ee VR Iyo AR.
“Waxaan Rajeyneynaa In Tobanka Sano Ee Soo Socda Ay Meta-verse Adeegsan Doonto 1 Bilyan Oo Qof, Martigelin Doonto Boqolaal Balaayiin Doolar Oo Ganacsi Dhijitaal Ah, Sidoo Kale Shaqo U Abuurta Malaayiin, Hal Abuurayaal Iyo Horumariyeyaal.”Mark Zuckerberg, Madaxa Shirkadda Meta
Erayga “Meta-verse” Xidhiidh Ma La Leeyahay Meta Ama Facebook?
Erayga Metaverse Ma Aha Mid Xidhiidh La Leh Mark Zuckerberg Iyo Meta Oo Ah Shirkadda Facebook, Dadka Qaar Ayaa Laga Yaabaa In Ay U Haystaan In Facebook Uu Masuul Ka Yahay Horumarinta Farsamadan, Laakiin Arrintu Aad Ayay Uga Wayn Tahay, Mana Jirto Shirkad Keliya Oo Awood U Leh Inay Hurmariyaan Meta-verse, Sida Ay Aaminsan Yihiin Dad Badani.
Madaxa Apple Tim Cook, Ayaa Wax Ka Badan Hal Mar Muujiyay Sida Uu Ula Dhacsan Yahay Iyo Xiisaha Uu U Qabo Tignoolajiyada Dhabta Ah Ee AR, Warbixino Badana Waxay Muujinayaan In Muraayadaha Apple La Heli Doono Sanadaha Soo Socda, Waana Muraayado Dhab Ah Oo La Taaban Karo Oo Loogu Diyaargaroobayo Wajiga Furitaanka Muraayadaha AR.
Microsoft Waxa Ay Kordhisay Soo saridda Muraayadaha Dhabta Ah Ee Loo Yaqaan HoloLens Kuwaas Oo Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Xarumaha Ganacsiga, Waxbarashada Iyo Caafimaadka Ay Hadda Ku Tiirsan Yihiin, Sida Samaynta Qalliinada, Ama Gacan Ka Geysiga Samaynta Qalliinnada Fog-Fog, Maadaama Cilmi-Baarayaashu Ay Ku Tiirsan Yihiin Iyaga.
Maxay Yihiin Shirkadaha Ugu Caansan Ee Ku Tartamaya Horumarinta Metaverse?
Waa Kuwan Shirkadaha Ugu Caansan Ee Ku Tartamaya Hormarinta Meta-verse:
- Meta Waxa Ay Qorshaynaysaa In Ay Maalgaliso 10bilyan Oo Doolar, Ayna Shaqaalayso Kumanaan Khabiiro Ah Si Ay U Horumariyaan Meta-verse. Dadaalka Shirkadu Waxa Ka Mid Ah In Ay Soo Saarto AR, VR, Iyo Sidoo Kale Qalabyada La Xidho Isku Xidha Dunida Dhabta Iyo Tan Dhijitaalka Ah.
- Roblox Waa Goob Matalaysa Mustaqbalka Meta-verse, Oo Leh In Ka Badan 43milyan Oo Isticmaaleyaal Firfircoon Bishiiba Kuwaas Oo Badankoodu Yihiin Carruur.
- Apple In Kasta Oo Aanay Ku Dhawaaqin Qorshaheeda Ku Saabsiisan Meta-verses, Haddana Ma Qarinayso Sida Weyn Ee Tim Cook Uu Ula Dhacsan Yahay Tignoolajiyada AR. Apple Waxa La Filayaa Inay Noqoto Tartanka Ugu Wayn Ee Dunida Meta-verse.
- Microsoft Ayaa Mar Hore Ku Dhawaaqday Gelitaanka Tartanka Meta-verse, Iyada Oo Ku Dhawaaqday Astaamo Cusub Oo Loogu Talagalay Wacitaanka Kooxaha Microsoft, Si Dadka Isticmaala Ay U Doortaan Jilaa Muuqaal Ah Si Ay U Matalaan Inta Lagu Jiro Shirarka, Iyadoo Lagu Daro Awoodda Samaynta Goobo Toosan Oo Dooda Ah Iyo Wada Shaqayn Toos Ah.
Metaverse Ma Duni Macmal Ah Baa?
Metaverse Waa Xaqiiqo Dhijitaal Ah Oo Isku Daraysa Tignoolajiyada Dhabta Ah, Lacagaha Dhijitaalka Ah Iyo Hantida Dhijitaalka Ah (NFTs), Waxay U Ogalaanaysaa Isticmaaleyaasha Inay Si Dhab Ah Ula Falgalaan Isku-Darka Tegnoolojiyadda Dhijitaalka Ah Ee AR Iyo Dareenka Waqtiga-Dhabta Ah.