Nebinimo ayuu sheegtay! Halkee ayuu jooga? Nin kaan oo lagu magacaabo Nashat Majdi Al-nuur oo u dhashay Lubnaan ayaa sheegtay inuu yahay rasuul laga soo diray samada.”Nin kaan oo ay Facebook ga ugu qorantahay رسول الله نشأت مجد النور عليه السلام Nin kaan ayaa sheegay in Masar ay musiibooyin waaweyn kusoo socdaan sida dhul gariir iwm. Wuxuu yiri “waa caro dhan ka samada uga timid.” Baraha bulshada masaarida ayaa aad loogu maadsaday nin kaan.Nikaan ayaa yiri “Masaaridu horay ayay uga horyimaadeen nebi Yusuf iyo Nebi Muuse anigana inay iga hor imaadaan wax la la yaabo maaha.” Nin kaan nebi nimada sheegtay ayaa sheegay inuu Facebook ga live kasoo gelidoono, live kaas oo uu kusoo bandhigi doono saddex mucjiso oo uu yiri waxaan ku caddaynayaa nebinimadayda. Dr Axmad Jiimi oo masaari ah, ayaa u soo qoray ninkaan “wax mushkilo ah malaha in qof ku xanuun nafsi ah qabo, waana laga dawayn karaa, laakiin mushkiladu waa in qof kaasi ogayn inuu xanuusanayo. aya sawir qariirad ah oo uu soo geliyay Facebook giisa waxaa kasoo dhex muuqday waddamo badan oo ay Soomaaliya ku jirto. Waddamadaan ayuu ugu baaqay inay soo raacaan! somali blogger ka aqrsio warbixino