By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
somali bloggersomali blogger
  • Home
  • Blog Categories
    • wordpress tutorial
    • latest technology
    • Suuqgeynta affiliate marketing
    • arimaha diinta
    • macluumaad
  • Podcast
  • English articles
  • Biography
  • About Us
  • Contact
Reading: Sidee Waqtiga loo maamula ama Loo Qorsheeyaa?
Share
Sign In
Notification Show More
Latest News
What Is Caawiye app? Everything a Beginner Needs to Know
Waa maxay Caawiye app? appka suaalaha iyo jawaabaha!
latest technology
sidee baan ugu noqon karaa mid wax soo saar leh oo caan ku ah bulshada dhexdeeda
sidee baan ugu noqon karaa mid wax soo saar leh oo caan ku ah bulshada dhexdeeda
Suuqgeynta affiliate marketing
Waa maxay Shahaadada SSL? Muhiimada ay leedahay!
Waa maxay Shahaadada SSL? Muhiimada ay leedahay!
latest technology
Sidee loo sameeyaa Xayaysiiska Facebook?
Sidee loo sameeyaa Xayaysiiska Facebook?
Suuqgeynta affiliate marketing
Faa’idooyinka Ay Leedahay Bilaabidda Podcast
Waa Maxay Podcast! Faa’idooyinka Ay Leedahay Bilaabidda Podcast
Suuqgeynta affiliate marketing
somali bloggersomali blogger
  • Home
  • Biography
  • Podcast
  • English articles
  • My Bookmarks
  • About Us
  • Contact
Search
  • Home
  • Blog Categories
    • wordpress tutorial
    • latest technology
    • Suuqgeynta affiliate marketing
    • arimaha diinta
    • macluumaad
  • Podcast
  • English articles
  • Biography
  • About Us
  • Contact
Have an existing account? Sign In
Follow US
somali blogger > macluumaad > Sidee Waqtiga loo maamula ama Loo Qorsheeyaa?
macluumaad

Sidee Waqtiga loo maamula ama Loo Qorsheeyaa?

somaliadmin
By somaliadmin macluumaad
Share
5 Min Read
waqtiga

Waqtigu waa nimco ka mid ah Nimcooyinka ugu qaalisan ee Illaahay (SWT) inoogu deeqay si aynu uga faa’idaysano, Waqtiga waana mid ka mid ah waxyaalaha Uu Illaahay inaga xisaabin doono Maalinta Qiyaame. Waqtigu waa cimriga qofka waana hantida kaliyaata ee aan la kaydin Karin. Saacad kasta oo ku dhaaftana waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso ama se waqtiga aad haysato si aad u noolaato, laakiin waxaad u baahantahay inaad ka faa’idaysato intaad neefsanayso.
Ma joojin kartid ama se waxba kuma dari kartid waqtigaaga laakiin waxaad awood u leedahay inaad ka faa’idaysato.
Waqtigaaga oo aad qorshayso waa noloshaadii oo aad qorshaysay. Nolol qiimo leh oo qaab qurxoon haddii aad rabtana waxa kaa xigta inta aad waqtigaaga qorshaynayso.
Maxaa Waqtiga Loo Qorsheeyaa?
Qof kastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho; oo uu noqdo mid waxtar leh laguna hirto.
Haddii aanad hawlahaaga iyo waqtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysaa!.
Noloshu dhammaanteed way qorshaysantahay, oo Aduunyada idil ahaanteedba Illaahaybaa qorsheeyey. Bal u fiirso ilbidhiqsigu waxa uu sameeyaa Mirir, Mirirkuna waxa uu sameeyaa Saacad, Saacaduna waxa ay samaysaa Maalin, Maalintuna waxa ay samaysaa Toddobaad, Toddobaadkuna waxa uu sameeyaa Bil, Bishuna waxa ay samaysaa Sanad, Sanadkuna waxa uu sameeyaa Qarniyo.
Haddii aad dayacday ilbidhiqsi ka mid ah waqtigaaga waxa aad dayacday qayb ka mid ah noloshaadii.
Waqtiga waxa loo qorsheeyaa in laga faa’idayso oo wax badan lagu qabsado laguna noqdo qof wax soo saar leh oo la tartami kara filkii, Ogoow Aduunyada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysaa inaad ku guulaysato Janno.
Si aad ugu guulaysato tartankaas waxaad u baahantahay inaad waqtigaaga qorshaysato.

Waxyalaaha waqtiga lumiya

1: Hurdada badan
2: Qorshayn la’aanta hawlaha
3: Waxyaalaha lagu madadaalo sida Muuqbaahiyaha (TV), Social Media
( Facebook, Whatsapp, Instigram, Twitter), Gaymamka (Play station) IWM.
4: Firaaqada badan ee qorshaha lahayn
5: Hadaf la’aanta
6: La kulanka badan ee asxaabta lala qaato
7: Ka qaybgalka Xafladaha aan muhiimka ahayn
8: Ku hadalka Mobile-ka waqtiyo badan
9: Mashquulka badan ee aan macnaha lahayn
10: Qabashada hawlo badan mar kaliyaata
11: Isticmaalka Maandooriyayaasha sida Qaadka.
12: Caajiska
13: Mooganaanta macnaha nolosha iyo waqtigaba

Qaababka ugu wanaagsan ee loo qorsheeyo Waqtiga:

1: Faham: inaad fahamto dhibaatada kaa haysata qorshayn la’aanta waqtigu, waa talaabada ugu horaysa ee kuu sahlaysa inaad waqtigaaga qorshaysato. Haddii aanad ku baraarugsanayn arintaasna way adagtahay inaad ku kacdo ficil aad ku qorshayso waqtigaaga.
2: Qaado go’aan: hawl kasta marka la bilaabayo waxay u baahantahay inaad ka gaadho go’aan cad, marka aad ogaato dhibaatada ay leedahay waqtiga oo ka luma, waxay kuu sahli kartaa inaad ka gaadhi karto go’aan.
3: Tax Qorshayaashaada: soo qaado Buug iyo Qalin oo fadhiiso meel bilaa buuq ah, qor oo tax dhammaan qorshayaashaada, ugu danbaya dooro saddexda hawlood ee aad rabto inaad qabato kana gun gaadho.
4: Jadwal maalmeed samayso: Jadwal maalmeedkaagu waa talaabada ugu way nee aad ku guulaysan karto taas oo kuu horseedi karta qorshe nololeed oo cad, Marka aad qorshaysato maalintaada waxa hubaal ah in uu toddobaadkaaguna qorshaysnaanayo, toddobaadkaagu haddii uu qorshaysnaadana Bishaada ayaa qorshaysnaanaysa, Bishaadu haddii ay qorshaysnaatana, Sanadkaagaa qorshaysnaanaya, Sanadkaagu haddii uu qorshaysnaadana, Noloshaadoo dhanbaa qorshaysnaanaysa. ( Mar kaliya ha isku dayin inaad hawlo fara badan qabato, ama aad deg deg isku badasho, waxay qaadanaysaa waqti ee u samir)
5: Iska ilaali qabashada hawlo badan mar kaliya: inaad hawlo badan qabato waxay ku dhaxalsiinaysaa inuu waqti badan kaa lumo wax soo saarkaaguna hoos u dhaco, hawl kasta waqtigeeda sii oo mid kale ha u gudbin ilaa aad dhamaynayso.
6: Is xisaabi: In aad habeenkii marka aad sii seexanayso, is xisaabisaa waxay ku dhaxalsiinaysaa inaad ogaato natiijadii hawlgalkaaga, waxa kale oo aad ka helaysaa dhiirigalin, sidoo kale waxaad ogaanaysa xaddiga uu isbedelkaagu le’eg yahay.
7: Habeenkii Jadwal maalmeedkaaga sii samayso: bar bilowga maalintu waa Salaada Subax, si uu kuugu fududaado hawl maalmeedkaagu, dajiso jadwal maalmeedkaaga habeenkii, inta aanad seexan ka hor, taasi waxay kuu sahlaysaa inaad subaxa marka aad kacdo hawlgakaaga aad ku gasho si xamaasadaysan.
8: Aaamin: haddii aanad aaminin inaad qorshayashaada ku guulaysanayso, col hortii ayaad jabtay, aaminaadu waa awooda ku dhaxalsiinaysa inaad hesho firfircoonida aad ku hawl galayso.
9: Ka dheeroow Caajiska: Caajisku waa awood dilaha qof kasta oo uu haleelo, haddii aad qof caajisa noqotana hawlgal ma fulin kartid.
10: Talo saaro Illaahay: Dhammaan hawlahaaga Aduunyo waxa kuu sahli kara Illaahay (SWT) hawl kasta oo aad u kacaysana haddii aanad Illaahay talo saaran noqon mayso hawl midho dhal fiican leh.

comment us hadii aad rabto hosting iyo domain halkaan ka iibso ionos 1&1

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.

Subscribe our Newsletter for new blog posts!

By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share this Article
Facebook Twitter Whatsapp Whatsapp Copy Link Print
What do you think?
Love0
Cry0
Surprise0
Sad0
Happy0
Sleepy0
Angry0
Next Article soomaaliya Baro Taariikhda Soomaaliya dadka iyo dhulka (Q1)
2 Comments 2 Comments
  • Mohamed says:
    March 6, 2022 at 10:37 pm

    Si cajiib ah Aya inoola wadtay

    Reply
    • somaliadmin says:
      March 7, 2022 at 10:38 pm

      mahadsanid

      Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recent Posts

  • Waa maxay Caawiye app? appka suaalaha iyo jawaabaha! February 22, 2023
  • sidee baan ugu noqon karaa mid wax soo saar leh oo caan ku ah bulshada dhexdeeda January 3, 2023
  • Waa maxay Shahaadada SSL? Muhiimada ay leedahay! December 13, 2022
  • Sidee loo sameeyaa Xayaysiiska Facebook? December 12, 2022
  • Waa Maxay Podcast! Faa’idooyinka Ay Leedahay Bilaabidda Podcast November 1, 2022
-

Categories

  • arimaha diinta6
  • latest technology12
  • macluumaad11
  • Suuqgeynta affiliate marketing9
  • wordpress tutorial7

Tags

100$ maalinkasta (2) aabaha (1) affiliate (1) affiliate freelancer (2) apps (1) billionaires (1) Bitcoins (1) blog (4) cabirka computerka (1) certificate (1) cryptocurrency (1) domain (1) Facebook (2) famous (1) Game of Thrones (1) google (1) google ads. (1) google AdSense (2) guul (1) hal-abuur (1) hard drive (1) horumar (1) hosting (1) isbedel (1) lacag (6) metaverse (1) money (1) playstore. (1) podcast (2) qoraal (1) russia (1) sahanka xogaha (2) seo (1) shaqo (3) shirkadaha (1) size (1) somaliya (1) ssl (1) suuqgeynta (1) taajir (1) taariikh (1) tutorials (2) website (4) wordpress (2) xirfado (1)
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
« Feb    

Newsletter

Subscribe our Newsletter for new blog posts!

You Might also Like

10ka qof ee Ruushka ugu qanisan adduunka
macluumaad

10ka qof ee Ruushka ugu qanisan adduunka 2022

7 months ago
Isbedel sameey
macluumaad

Waa maxay sababta Isbedelku uu uadag? yahay 10 qodob!

7 months ago
ninkii Pakistaan u sameeyay Hubka halista badan ee Nuglerka
macluumaad

ninkii Nuglerka Pakistaan u sameeyay Hubka halista badan (warbixin)

9 months ago

About

Somali blogger is a free courses, articles and book summaries site The main goal of this site is to provide quality tutorials, tips, courses, tools and other resources, Get free courses and book summaries and more useful tutorial articles

Find Us on Socials

Important pages

  • Book Summary
  • Web Story
  • Contact
  • Terms and Conditions
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Customize Interests
  • My Bookmarks

Our Other sites

  • caawiye Q&A
  • Somnest web developer

Newsletter

Subscribe our Newsletter for new blog posts!

Our Mobile App

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download In App Store Get It On Google Play

© 2022 Somali blogger! All Rights Reserved | Designed and Developed by Somnest

Removed from reading list

Undo
adbanner
AdBlock Detected
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Continue with Facebook
Continue with Google
Lost your password?