Wuxuu ahaa ninkii Pakistaan u sameeyay Hubka halista badan ee Nuglerka, wuxuu ahaa ninkii dowlado badan oo ay kamid yihiin Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo Liibiya ka caawiyay siro la xiriira Sameynta Bam Nugler, waxaa dacwad kusoo oogtay Holland, waxaa maxkamad saartay Dowladiisa Pakistaan, waxaana qareen u noqday shacabkiisa.
Wuxuu kamid ahaa ragii ugu caansanaa caalamka uguna aqoonta badnaa qarnigii tagay, wuxuu naqaska ku xiray Hindiya wuxuuna simay awoodoodii badneyd iyo tan Pakistaan, waana ninkii sameeyay talaabo aan macquul aheyn kana dhigay arin macquul ah.
Hadaba maxaan ka naqaanaa Cabdi Qaadir Khan halyeygii reer Pakistaan ahna aqoonyahankii ugu horeeyay Muslim ah ee sameeyay hubka Nugleerka? (WARBIXIN).
Tijaabinta Hindiya ee hubkeedii nukliyeerka ugu horreeyay ay sameysay sanadkii 1974tii, ma ahayn dhacdo caadi ah oo dabiici aheyd taasoo ka dhacday Jasiirad u ekaha Hindiya, balse Dhacdadaas waxay in badan kicisay shucuurtii wadaninimo ee dadyowga reer Pakistan, kuwaasoo xiisad xoogan kala dhaxeysay Hindiya, waxaana dadkii sida weyn u qiirooday dareenkoodana aadka u shaqeeyay kamid ahaa Abdul Qadeer Khan .
Cabdul Qadeer Khan oo 82 sano jir ahaa ayaa bartamihii sanadkii hore geeriyooday marxuumka Allaha u naxariistee talaabada Hindiya ku tijaabisay Nuglerkeedii ugu horeeyay waxay kicisay Dareenkiisa, wuxuuna dhexda u xirtay sidii uu Dalkiisa Pakistaan ugu sameyn lahaa Hubka Nugleerka uguna dari lahaa Dowladaha Waaweyn ee heysta Hubkaan wax gumaada, taasoona uu ugu dambeyntii ka dhabeeyay.
Waqtigaas ay Hindiya Tijaabineysay Hubkeeda Nuglerka, marxuumku wuxuu ka shaqeynayay oo uu injineer dhanka biraha iyo Macdanta ka ahaa warshada kobcinta yuraaniyamka ee ay laheyd Dowlada Holland (Nederland) xiligaas, wuxuuna ku riyoonayaa inuu hormariyo dalkiisa oo uu ku daro quwadaha nukliyeerka heysta, sidaas owgeed durba wuxuu bilaabay inuu sameeyo tijaabooyin kala duwan oo dhanka cilmi baarista iyo sahamin dheeri ah, wuxuuna u shaqeyn jiray habeen iyo maalin asagoon wax nasiino iyo kala joogsi sameynin intuu hamigaas ka gaarayay.
Hadaba waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa Qofka uu ahaa Abdul Qadeer Khan iyo sida uu Pakistaan uga dhigay Dal heysta Hubka awooda badan ee Nuglerka;
-Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay kowdii bishii Abriil 1936dii magaalada Bhopal ee Hindiya ka tirsaneyd xilligaas, waxayna aheyd waqti uu gumeystihii Ingiriiska halkaas gumeysan jiray, ayadoona India iyo Pakistaan aysan wali kala go’in, sidaas owgeed Mr. Khan wuxuu noqday mid halis ku noqday dowladii uu asal ku dhashay ee Hindiya aheyd, sidoo kalana wuxuu kaalin lixaad leh ka qaatay in Dalkiisa Pakistaan uu ku guuleysto barnaamijkii ay awood ahaan isku hortaageen Hindiya miiska shaxdana kula fuuleen.
-Mudadii uu aqoonta kororsanayay oo ku beegneyd bartamihii lixdameeyadii Cabdul Qadiir Khan Wuxuu u kala wareegay dhowr jaamacadood iyo xarumo waxbarasho oo Yurub ku yaalo, gaar ahaan dalalka Jarmalka, Holland iyo Belgium, ka dibna wuxuu shahaado doctorate (Diktooraadama PHD) ka qaatay jaamacad ku taal Belgium horraantii toddobaatameeyadii, ka hor inta uusan deign dalka Nederland isagoona halkaas ka noqday shaqaale kamid ah kuwa ka howlgala kobcinta yuraaniyamka.
-Khan waxaa lagu dallacsiiyay shaqadii uu ka hayay Nederland, ilaa uu ka noqday khabiir sare oo ka tirsan shirkadda injineernimada Nederland ee (FDO), taasoo waqtigaas si dhow ugu xirnayd hey’ada “Urenco” ee ka howlgali jirtay dhanka kobcinta yuraaniyamka.
-Intii uu ka shaqeynayay shirkadda Dutchka aheyd, Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo qaarkood, Cabdul Qaadir Khan wuxuu si qarsoodi ah u koobiyeynayey naqshadaha loogu talagalay centrifuges -ka wuxuuna uruurinayay liiska shirkadaha Pakistan siin kara farsamada Tiknoolijiyeed si ay dalkiisa uga caawiyaan iney soo saaraan yuraaniyamka aadka u hodanka ah kadibna uga sameeyaan hubka nukliyeerka, inkastoo Khan marar uu badan beeniyay inuu xog ka xaday dalka Netherlands.
-Tijaabadii Nuglerka ee Hindiya sameysay sanadkii 1974tii waxay jaho kale u qaaday noloshii Cabdul Qaadir Khan ayadoona isbadal muhiim ah ku sameysay xirfadiisa, asigoona waqtigaas bilaabay inuu farriimo qarsoodi ah u dirao saraakiisha Pakistan ee ka masuulka ahaa horumarinta awoodda Pakistan, laakiin farriimihiisu waxay la kulmeen dayac iyo danayn la’aan, laakiin buuqii weynaa ee ka dhashay tijaabadii nukliyeerka Hindiya, waxay keentay in gebi ahaanba is beddesho habdhaqankii aasaaska ee Pakistan ku wajihi jirtay fariimihii qarsoodiga ahaa ee Cabdul Qaadir Khan.
Raiisel wasaarihii hore ee Pakistan xiligaas maamulayay Dulfiqaar Ali Bhutto ayaa si deg-deg ah ugu yeedhay Abdul Qaadir sanadkii 1975tii, waxaana dhacday in Mr Khan uu si dhaqso leh uga yimaado dalka Netherland, kadibna Ra’iiusl Wasaaraha Pakistaan ayaa u magacaabay xilka madaxtinimada barnaamijka nukliyeerka ee Pakistan.
-Khan wuxuu bilaabay tartan deg -deg ah inuu la galo waqtiga si uu u gaaro howl aanan marnaba macquul aheyn xiligaas (Taasoona aheyd in mudo kooban uu Pakistaan ugu sameeyo Hubka Nuglerka), isagoo ka bilaabay magaalada Kahuta oo u dhow magaalada Rawalpindi howlgalkiisa, halkaas ayuuna ka aasaasay xaruumo cilmi baaris ah sanadkii 1976dii, Xarumahaas ayaana sanadkii 1981dii waxaa laga badalay magacyadoodii ayadoona asiga loogu magac daray “Dr. Abdul Qadeer Khan Laboratories Research”, talaabadaas ayaana aheyd mid looga mahad celinaayo dadaalkii weynaa ee uu galiyay hormarka dalkiisa.
– Bishii Sebtembar 1986dii, Pakistan waxay si Rasmi ah ugu guulaysatay inay guurto mirihii dadaalka Abdul Qadir Khan, kaasoona ku dhammaaday guul weyn oo ay Pakistaan ka gaartay Tijaabadii ugu horeysay ee ay ku sameeyaan qarxinta Bam Nugler dhulka korkiisa, wargeyska Washington Post ayaana shaaciyay in mudadii u dhaxeysay 12da ilaa 18da Sebtember 1986dii ay Pakistaan guushaas gaartay.
Tallaabadani ay Pakistaan gaartay mudo haatan laga joogo ku dhawaad 40 sano, ma ahayn mid fudud mana ahayn mid sahlan, laakiin waxay ka dhigan tahay guushii ugu weyneyd ee dhanka Milatariga ka gaarto Pakistaan taariikhdeeda, ilaa maantadaan la joogana Pakistaan weli waa waddanka keliya ee Islaam ah kaasoo gaaray heerka soo saarista bam nukliyeer.
-ilaha wararka reer Galbeedka ayaana sheegay Howshii uu ku fuliyay Abdul Qadir Khan mudo 6 sano kaliya ay Dowlada reer Galbeedka oo kaashanaya khubaradooda iyo Tiknoolijayooda ku qaadan laheyd ku dhawaad 20 sano, taasoona Khan ka dhigeysa ninkii awooday inuu waxaan macquul aheyn u badalo Macquul.
-Howsha oo uu si qarsoodi aad u daran u waday ayaa waxay Abul Qaadir Khan ka caawisay inuu ku guuleysto mashruuca bam nukliyeerka ee Pakistan, sidoo kalana waxaa caawiyay xiriirkii uu la leeyahaa shirkadihii reer Galbeedka ee uu horay xogtooda u diiwaangashtay, waxayna shirkadahaan oo si qarsoodi ah ula shaqeynayay ka caawiyeen kobcinta iyo dhisidda xarummaha centrifuges-ka
Sidoo kale aqoontiisii sareysay ee uu u lahaa cilmi barista howshaan iyo sirdoonka adkaa ee Pakistaan waligeedba laheyd ayaa ayagana u taagan tiirarkii ka caawiyay Pakistaan iney guushaan weyn gaarto.
-Kadib markii Pakistan ku dhawaaqday inay ku biirtay dalalka heysta awooda Nukliyeerka, waddamada reer galbeedka ayaa waxay bilaabeen inay cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo baaxad weyn leh saaraan Pakistaan, sidaa darteed Washington waxay ku soo rogtay cunaqabateyn dhaqaale, waxaana dacwad laga gudbiyay Abdul Qadeer Khan horaantii siddeetamaadkii, xiligaasoo Netherland ay ku eedaysay xatooyo dhanka dokumentiyadooda nukliyeerka oo uu si qarsoodi ah ku qaatay, balse Mr Khan ayaa beeniyey arinkaas, sidoo kalana dowladiisa Pakistaan ayaa garab istaag weyn u muujisay ayadoona beenisay in Khan uu ku kacay xatooyo.
Si kastaba ha noqotee duulaankii Midowgii Soofiyeeti ee Afgaanistaan 1979-kii ayaa wuxuu ku qasbay Mareykanka inuu isku dayo inuu la heshiiyo Pakistan, ayagoo waliba caawiyay dhanka amniga si ay u daciifiyaan awooda sii kordheysay ee Soofiyeetka xiligaas lahaayeen, sidaas owgeed Mareykanka ayaa cunaqabateyntii ka qaaday Pakistaan taas bedelkeedana wuxuuba ugu deeqay 400 oo Million Dollar si Pakistaan lacagtaas ugu noqoto kaalmo dhaqaale korna ugu qaado awoodeeda Milatari.
-Sanadkii 2003dii Abdul Qadir Khan waxaa u bilowdeen dhibaatooyin is xig-xiga kadib markii asiga iyo saynisyahano kale ay laamaha amniga Pakistaan wax ka weydiiyen hadii uu xiriir qarsoodi ah la leeyahay Iran sidoo kalana uu xiriir ka dhaxeeyo labada Barnaamij ee Nugler ee Iran iyo Pakistaanba adeegsadaan, intaas waxaa usii dheereyd in wax laga weydiiyay hadii uu siro Nugler ah si qarsoodi ah ula wadaagay dalalka Liibiya iyo Kuuriyada Waqooyi.
-Kadib cadaadis dheeri ah oo la saaray Mr Khan kaasoo intiisa badan ka imaanayay dhanka dibada iyo Mareykanka waxaa si joogto ah u socotay baaristii lagu waday. Arintaas ayaana keentay in bishii Febraayo 2004tii uu qirtay inuu siro Nugler u gudbiyay dowlado kale, balse wuxuu meesha ka saaray dalkiisa Pakistaan in arinkaas wax ka ogaayeen.
-Khan ayaana waxaa bilaabatay maxkamadeyntiisa balse shacbiyad iyo taageero waali ah oo uu ka helay shacabka Pakistaan waxay keentay in xukuumada Pakistaan Cafis u fidiso Cabdul Qadir Khan.
– Sannadkii 2008, waxaa la shaaciyay in Khan uu ku dhacay caabuq fayras ah, kaasoo dartiis isbitaal loo dhigay ka dib markii uu xumad badan dareemay, sidoo kalana cadaadiska dhiigiisa hoos u dhacay.
-Ugu dambeyn Dhowr bilood ka hor ayaa waxaa la shaaciyey in Cabdul Qaadir Khan uu ku dhacay fayraska Corona asigoona markii dambe isbitaal la dhigay, kadib markii xaaladiisa caafimaad soo hagaajiyay, waxaa laga bixiyay isbitaalkii asigoona loo wareejiyay dhanka gurigiisa, laakiin xaaladdiisa ayaa markale si lama filaan ah u xumaatay, ugu dambeyna wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaal caasimada Pakistaan ee Islamabad.
-Abdul Qadir Khan ayaana horay ula kulmay dhibaatooyin kale oo dhanka caafimaadka ah, waxaana xusid mudan in asigoo 70 jir ah lagu sameeyay qaliin ka dib markii uu ku dhacay kansarka qanjirka ‘prostate’ 2006-dii.
-Marxuum Cabdul Qaadir Allaha u naxariistee wuxuu ahaa aqoonyahan waayo arag ah, asigoona horay ugu daabacay joornaalada sayniska caalamiga ah kudhawaad 150 warbixin cilmi baariseed, sidoo kalana sanadkii 1981dii wuxuu daabacay buugga lagu magacaabo “Qumbuladii Islaamiga ah” kaasoo uu ku qoray luuqada Ingiriiska.
In kasta oo ay jiraan eedeymo iyo hagardaamooyin loo geystay Khan tan iyo 2003dii, haddana wuxuu reebay raadad saamayn balaaran ku leh taariikhda Pakistan iyo caalamkaba, wuxuuna dalkiisa u soo hooyey guulo la taaban karo oo ku wajahan dhanka Milatariga milateri.
Dhammaad.
W-Q: Anteeeno Maku cajibay warbixintaan? Kaliya naga caawi inaad comment ka bixiso Share tiraahdo.
Taariikhda Dib ayay Iska qortaa anagana waxa Rajenena ina nugleer sameesano i.a