GOYNTII IYO GO’DOOMINTII GUUD EE REER BANII HAASHIM IYO REER MUDALIB.
Sababaha keenay goyntii guud;
1-Soo islaamidii Xamza.
2-Soo islaamidii Cumar bin Khadaab.
3-Nabiga sc oo diiday waanwaantii ay rabeen gaaladii qureysheed taasoo aheyd inuu diintooda faraha uga qaado iyo asnaamtoodaba.
4-Reer banii Haashim iyo reer bani Mudhalib oo ah tolka Nabiga scw ayaa ballan ku galay in Nabiga SCW difaaci doonaan muslimkooda iyo gaalkoodaba midaasi wey ka mideysnaayeen (markii laga reebo abii lahab) waxaana midowgaas ka dambeeyay Abii Dhaalib oo ah Nabiga scw adeerkiis.
Sababahaas is biirsaday waxay keeneen in qureysh iyagana ku heshiiyaan in xiriirka u jaraan ilmo Cabdi Manaaf (reer banii haashim iyo reer banii mudhalib).
Qureysh waxay ogaayeen hadii ay Nabiga scw dilaan aysan ka nabad galeynin reer bani Haashim iyo reer banii Mudhalib sidaas owgeed ayay go’doonka xal ugu arkeen.
Dhamaan qabiiladii qureysheed markii laga reebo banii Haashim iyo banii Mudhalib waxay ku kulmeen deegaanka reer banii Kinaana waxayna heshiis ku galeen qodobada soo socda;
1-inaan wax gabdho ah ama wiilal loo guurin lagana guursana reer banii Haashim iyo reer Banii Mudhalib.
2-ineysan waxna ka iibin iyagana waxba ka gadan.
3-ineysan la fariisan lana sheekeyseynin sidoo kalana aysan dhex galin oo gabi ahaanba xiriirka loo jaro.
4-ineysan tagin gurayahooda sidoo kalana aysan la hadlin.
5-inaan wax heshiis ah lala galin reer banii Haashim loona naxariisan ilaa ay ay Nabiga scw soo gacan galiyaan.
6-Dhamaan qodobadaasi way burayaan hadii Nabiga scw soo gacan galiyaan si loo dilo.
Warqadaas waxaa la sheegaa inuu qoray ninka la yiraahdo Mansuur bin cikrama bin Caamir waxaa kaloo la yiraahdaa waxaa qoray Nadar bin Al-Xaarith si lamid ah Bagiid bin Caamir wuu qoray ayaa la yiraahdaa.
Qofkuu ahaadaba waxaa la sheegaa in qofkii warqadaas reer banii Haashim iyo reer banii Mudhalib xiriirka loogu jaray qoray uu Nabiga scw alle u baryay gacantana ka qalashay.
Qureysh markii ay warqada qoreen kadib waxay ku dhajiyeen Kacbada sharafta leh bartankeeda si ay u ahaato mid xurmad leh.
Go’doonka wuxuu socday mudo sadax sano iyo ilmo Cabdi Manaaf raashiinkii oo dhan laga jartay sidoo kalana wixii magaalada Maka yimaado oo ganacsi ah waxaa la wareegi jireen kuna hormari jireen Qureysh iyagoo diidanaa in reer bani Haashim wax raashiin ah helaan.
Go’doonkii oo aad u darsaday owgeed waxay reer bani Haashim mararka qaar cuni jireen maqaarka xoolaha iyo caleenta geedaha.
Mararka qaar waxaa soo gaari jiray raashiin laakiin qaab sir ah ayaa loogu geyn jiray.
Dadka raashiinka qaabka sirta ah u geyn jiray waxaa kamid ahaa Xakiim bin Xizaam oo waqtigaas Mushrik ahaa wuxuuna raashiin u geyn jiray eedadiisa Khadiija bintu Khuweylid oo Nabiga scw xaaskiisa aheyd.
Waxaa la sheegay in maalin uu abuu Jahal arkay Xakiim oo raashin usii wado Khadiija wuxuuna isku dayay inuu is hor taago iyadoona uu meesha is qabqabsi ka dhacay balse Xakiim bin Xizaam iyo Abuu Jahal waxaa soo kala dhex galay Abuu Al-Bakhtari bin Hishaam sidaas ayuuna Xakiim eedadiisa raashiinka ugu geeyay.
Xiligaas abuu Dhaalib wuxuu ahaa mid aad ugu cabsado Nabiga wuxuuna seexin jiray firaashkiisa si aysan Qureysh u dagin una dilin asigoona mid kamid ah ilmo adeerada Nabiga scw fari jiray in firaashka Nabiga scw seexdaan.
Waxay go’doonkaas ku jireen mudo sadax sano oo kaamil ah xili reer banii Haashim iyo reer banii Mudhalib xiriirka toos loogu jaray balse ugu dambeyn waxaa la buriyay heshiiskii lagu gooyay ilmo Cabdi Manaaf.
Qofkii isku xilsaaray howshaana u kacay wuxuu ahaa Hishaam bin Camar oo kasoo jeeday reer banii Caamir waxaana la sheegaa in qaab sir ah uu reer banii Haashim raashiin ugu geyn jiray isagoona aad u mucaaradsanaa kana soo horjeeday goyntii reer banii haashim iyo reer banii Mudhalib la gooyay.
Hishaam oo aad u careysan ayaa wuxuu u tagay Zuheyr bin abii Umayya al-Makhzuumi waxaana dhashay Caatikah bintu CabdulMudhalib oo Nabiga scw eedadiisa aheyd.
Hishaam markuu u tagay Zaheyr wuxuu ku yiri; Waryaa Zaheyrow ma waxaad ku raali noqotay inaad wax iska cunta iskana cabto adigoo reer abtigaa (banii Haashim) xaaladooda ka warqabo?
Markaas ayuu Zaheyr dhahay; war hooge maxaan meesha ka tari karaa ileen aniga hal nin oo qura baan ahaye? Wlhi hadaan heli lahaa nin kale oo howshaan ila galo warqadaas waan burin lahaa.
Hishaam ayaa markaas yiri; waad heshay nin labaad.
Zaheyr ayaa ku jawaabay; waa kuma?
Hishaam; waa aniga.
Zaheyr ayaa markaas yiri; inoo raadi nin sadaxaad.
Hishaam ayaa markaa u yimid Mudcim bin Caddi bin Nowfal bin CabdiManaaf wuxuuna ku canaantay in qureysh dulmigaas ku raaco.
Mudcim ayaa markaas yiri; aniga hal nin unbaan ahaye maxaan meesha ka badali karaa?
Hishaam ayaa markaa yiri; nin labaad waad heshay.
Mudcim; waa kuma?
Hishaam; waa aniga.
Mudcim; inoo raadi nin sadaxaad.
Hishaam; waan sameeyay.
Mudcim; waa kuma?
Hishaam; waa Zahyer bin Umayya.
Mudcim; inoo raadi nin afaraad.
Hishaam ayaa kadib u tagay abuu Al-Bakhtari bin Hishaam wuxuuna ku dhahay hadalkii uu ku dhahay Mudcim.
Markaas ayuu abuu al-Bakhtari yiri; arinka aad iigu yeereyso rag nagu kaalmeeyo ma jiraan?
Hishaam ayaa yiri haa oo aniga, Zuheyr bin abii Umayya iyo Mudcim bin Caddi ayaa howsha ku jirno.
Abuu al-bakhtari wuxuu yiri markaas inoo raadi nin shanaad.
Hishaam ayaa markaan u yimid Zamcah binul-aswad binul-mudhalib bin asad wuxuuna ku dhahay isla hadalkii uu ragii ka horeeyay ku dhahay.
Zamcah waa ogolaaday waxayna shantooda ku kulmeen meesha loo yaqaano Al-Xujuun oo Makka ku taalo waxayna ku ballameen in warqadaasi burin doonaan, Zaheyr ayaana yiri anigaa idin kuugu hor hadli doono.
Subaxii markii la gaaray ayay isugu yimaaden Kacbada akteeda oo madal u ahaan jirtay iyadoo Zaheyr-na uu soo kalahay wuxuuna kacbada ku dawaafay todobo jeer kadibna wuxuu kusoo jeestay Qureysh oo meesha koox koox u fadhisay.
Zaheyr ayaa hadalkii ku bilaabay; Reer Makkow, ma waxaan raali ku noqonay inaan wax cuno waxna cabno iyadoo reer banii haashim iyo reer banii mudhalib geeri qarka u saaranyihiin? Wlhi baan ku dhaartee inaanan fariisan doonin jeer warqadaas dulmiga ka buuxo la jeex jeexo.
Abuu Jahal oo meesha joogay ayaa markaas yiri; been baad sheegtay wlhi baanan la jeexi Karin.
Zamca binul-aswad ayaa markaas abuu Jahal ugu jawaabay; Wlhi adigaa ka been badan, raali kama aanan aheyn halkii lagu qoray warqadaas.
Abuu Al-Bakhtari ayaa soo booday oo yiri; Zamca run buu sheegay raali kama nihin wixii lagu qoray warqadaas mana qirsanin.
Mudcim bin Caddi oo meesha fadhiyay ayaa isna yiri; runbaad sheegteen qofkii hadal kale dhahayna waa beenaale, Alle ayaan bari uga nahay warqadaas iyo wixii lagu qorayba.
Hishaam bin camrin oo ahaa ninkii olalaha kiciyay asna hadal sidaas oo kale ayuu yiri.
Abuu Jahal oo laga awood badiyay sidoo kalana dareemay in Ragaan horay usoo shireen qorshana wataan ayaa markaas inta yaabay yiri; kani waa arin habeen lasoo go’aamiyay meel aan halkaan aheyna looga soo shiray.
Abuu Dhaalib oo dooda dhageysanayay xiligaasna meesha fadhiyay ayaa yiri; Wiilka aan adeerka u ahay (wuxuu ula jeedaa Nabiga scw) wuxuu ii sheegay in warqada aboor cunay markii laga reebo meesha magaca Alle ee Bismika Allahuma ku qorantahay ma ahee, hadaba waxaan halkaan u imid inaan warqadaasi fiirino hadii ay beentiisa tahay (Nabiga scw) waa idiin soo gacan galin hadii ay runtiisa tahayna dulmiga aad na saarteen naga dulqaada.
Markaas ayaa waxaa kacay Mudcim bin Caddi si uu warqada usoo jeexjeexo balse wuxuu arkay warqadii oo aboor cunay markii laga reebo kalmada Bismika Allahuma. Waxaana cadaatay in Nabiga SCW run sheegay
Sidaas ayaana reer banii Haashim iyo reer banii Mudhalib Go’doonkii looga qaaday kuna badbaadeen.
Inkastoo reer bandii Haashim iyo reer banii Mudhalib badankooda waqtigaas gaalo ahaayeen hadana waxay ka mideysnaayeen iney ballan ku qaadeen difaaca nabiga naftana hor dhigeen waxaana Masuul ka ahaa Abuu Dhaalib bin Cabdhul mudhalib.
Dhamaad.
W-Q: Anteeeno Maku cajibay warbixintaan? Kaliya naga caawi inaad comment ka bixiso Share tiraahdo.