Fadeexadii Watergate waa magaca fadeexadii ugu weyneyd ee siyaasadeed taariikhda siyaasada Mareykanka, Waxayna dhacday sanadkii 1972dii, hadaba waxaan halkaan kusoo qaadan doonaa guud ahaan sheekada ku saabsan fadeexadaas, qaabka ay u dhacday, natiijooyinka ay reebtay iyo wax walba oo ku saabsanba.
Sanadkii 1968dii waxay u aheyd madaxweynihii Mareykanka ee xiligaas Richard Nixson sanad aad u xun, asigoona tartankii doorashada ee u galay sanadkaas kaga guuleystay ninkii la tartamayay cod aad u yar, waxayna aheyd doorasho aad la isugu dhawaa ayadoona codadka look ala helay 43.5% oo uu helay Nixson iyo 42% oo uu helay ninkii la tartamayay.
Arinta doorashadaas waxay sababtay in mowqifkii doorashadii xigtay ee madaxweyne Nixson misna dhacday sanadkii 1972dii kasii adkeyso midi hore, sidaas owgeed madaxweyne Nixson markii uu dareemay in doorashadaan ay ka adagtahay tii hore guushiisana aanan lu hubin ayuu wuxuu go’aansaday inuu basaaso xafiisyadii xisbiga Dimuqraadiga ee loolanka kula jiray kuwaasoona ku yaalay dhismaha loo yaqaano Watergate.
17dii bishii July sanadkii 1972dii waxaa gacanta lagu dhigay shan qofood oo ku sugneyd gudaha magaalada Washington, ayagoona ku jiray dhismaha xisbiga Dimuqraadiga, waxayna ahaayeen markii la qabanayay kuwa dhismaha ku beera qalabka wax basaasa ee la isku dhageysan karo.
Qabashadii 5taas nin kadib waxaa cadaatay in aqalka cad uu ka dambeeyay arinkaan isla markaasna horay u dhageysteen 64 Call taleefan oo xisbiga Dimuqraadiga leeyihiin, waxayna arinkaas abuurtay buuq iyo sawaxan siyaasadeed aad u culus ayadoona dhammaan eedeymaha dusha loo saarinayay madaxweynihii waqtigaas xafiiskiisa ahaa Aqalka Cad ee Richard Nixson.
Dhacdadaan ayaana markii buuqeeda batay sidoo kalana maalin walba maalinta kasii dambeyso fadeexo hor leh loo ogaanayay ugu dambeyn waxay sabab u noqotay inuu xilka iska casilo madaxweynihii Mareykanka ee Richard Nixson sanadkii 1974tii, waxaana xigtay fadeexadaas darted in Nixson maxkamad loosoo saaro.
Nixson marki maxkamada lasoo saaray kahor inta aanan la xukminin ayaa bishii Sebtember sanadkii 1974tii waxaa cafis madaxweyne u fidiyay madaxweynihii asiga ka dambeeyay xukunkana uu ku wareejiyay ee Gerrard Ford kaasoo si kumeel gaar ah xilka u haayay waqtigaas, wuxuuna Nixson ka cafiyay wax walba oo la xiriiray fadeexadaas.
Kahor inta uusan xilka iska casilin Nixson markii ay fadeexada soo baxday ayay golaha wakiilada mareykanka waxay cod u qaadeen xil ka qaadista Nixson, waxaana xigtay in maxkamada sare ee Mareykanka ay amar ku bixiso in Nixson uu dambi baarayaasha kiiskaan ku wareejiyo cajaladahii laga duubay xafiiska Watergate ee sharci darada ahaa kuwaasoo lagu dhageysanaayay khadka taleefanka xisbiga Dimuqraadiga.
Kadib markii cajaladihii lasoo wareejiyay waxaa la ogaaday in shirqoolkaas uu Richard Nixson qeyb ka ahaa oo amarkiisa lagu fuliyay, sidoo kalana waxaa la ogaaday in mudadii ay barista socotay uu Nixson asigoo adeegsanaayo awoodiisa madaxweyne nimo uu isku dayo inuu carqaladeeyo baaritaanadii socday.
Intaas kadib gudigii garsoorka ee taabacsanaa golaha wakiilada ayaa waxay isku raaceen qodobadii xilka looga qaadi lahaa Nixson ayadoona la cuskanaayo eedeymo ay kamid yihiin carqaladeynta cadaalada iyo ku takrifalka awooda xukun, si lamid ahna inuu ka been abuurtay Kongresska iyo arimo kale oo badan.
Kadib go’aankii gudiga garsoorka aqalka wakiilada waxaa xilkii iska casilay Richard Nixson 8dii bishii Sebtemer 1974tii, madaxweynihii xigay ayaana cafis madaxweyne nimo u fidiyay.
Fadeexadii Watergate dadkii lasoo tuhmay kaliya Madaxweynaha ma uusan aheyn sidoo kalana waxaa qeyb ka ahaayeen 69 qof kuwaasoo 48 kamid ah maxkamad lasoo taagay ayagoona lagu eedeeyay ku lug lahaanshahooda fadeexadaan, waxaana raggaas qeyb ka ahaa rag xilal sare ka hayay maamulkii Richard Nixson.
Fadeexadii Watergate ayaana waxay aheyd howlgalo si sir ah loo qabtay kuwaasoo aanan sharci aheyn qaanuunkana baal marsan waxaana howlahaas kamid ahaa; in la basaaso xafiisyada siyaasiyiintii kasoo horjeeday Richard Nixson iyo cid walboo caawiye u aheydba, in baaritaan lagu sameeyo siyaasiyiintaas mucaaradka ah, in sirdoonka FBI iyo dambi baarayaashoodaba loo adeegsado hub siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa hub siyaasadeed ahaan loo adeegsaday sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, iyo hantidii dowlada oo laga dhigay mid loogaga hortago mucaaradka, arintaan ayaana waxay dhalisay wixii markaas ka dambeeyay fadeexo walba oo dhacdo in xijmi ahaan lala barbardhigo midi Watergate sida ay u baaxad weyneyd owgeed.
HADABA HALKAAN KAGA BOGO Fadeexadii Watergate QAABKII UU BAARITAANKA U DHACAY MIN BILOW ILAA DHAMAAD.
-Fadeexada waxay dhacday mudadii uu xilka haayay madaxweynihii 37aad ee Mareykanka Richard Nixson, waxayna bilaabatay 17dii bishii July 1972dii, qofka ay ku dhacdayna wuxuu ahaa isla Richard Nixson oo noolaa mudadii u dhaxeysay 1913dii ilaa 1994tii.
-Wargeyskii ugu horeeyay ee sheekadaan soo shaac bixiya misna banaanka keenay wuxuu ahaa wargeyska Washington Post.
-Sheekada waxay bilaabatay kadib markii 17dii bishii Jully uu mid kamid ah ilaalada dhismaha Watergate arkay koolooyin yaryar oo ku dhagsan dhowr albaab oo dhismaha ah, markaas ayuu koolooyinkii meeshii ka fujiyay, hadana wuxuu arkay ayadoo markale isla koolooyinkii meesha lagu dhajiyay, waxaana waardiyihii markaas ku dhashay tuhun asigoona booliska dagdag ula xiriiray.
-Booliska ayaana markaas waxay galeen albaabadii koolooyinka lagu dhajiyay qolalka ay ku yaaleen ayagoona gacanta kusoo dhigay 5 nin oo howlo basaasnimo waday, goobaha koolooyinka ku dhaganyihiina nadaamka wax lagu dhageysto ku duugayay.
-15tii bishii Sebtember 1972dii 5taas nin iyo labo nin kale oo gadaal laga qabtay ayaana lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira iney jaasuusiin yihiin.
-Bishii Janaayo 1973dii waxaa maxkamad lasoo taagay raggaan ayadoona dacwad oogaha, garsooraha iyo dhammaan marqaatiyaasha shaki weyn ka qabeen in falkaan uu ka dambeeyo madaxweynaha, maadaama xaruunta la basaasayay ay daganaaayeen xisbiga mucaaradka ahaa.
-Bishii Maarso 1973dii waxaa hadlay mid kamid ah 7dii eedeysane oo lagu magacaabo James Makurd kaasoona tilmaamay in kiiskaan ay ku lug leeyihiin shakhsiyaad sare oo dowlada ka tirsan.
-Kadib tilmaantaas baaritaano dheeri ah oo la sameeyay ayaana waxaa lagu ogaaday in hanti lixaad leh ay ku jirto akoonada ragga lasoo qabtay, markii lasii raacraacay isha ay lacagtaas ka timidna waxaa la ogaaday iney tahay hey’adii maalgalineysay ololihii doorasho ee Richard Nixson.
-Intaas waxaa xigay in wargeyska Washington Post oo qisada si toos ah usoo tabinayay uu lasoo xiriiray shakhsi diiday inuu magaciisa xuso, wuxuuna qofkaasi sheegay in kiiskaan uu ka dambeeyo Aqalka Cad sidoo kalana ay ku lug leeyihiin misna loo adeegsaday FBI, CIA, iyo Wasaarada garsoorkaba.
-Sidaas owgeed halkii kiiska uu dhamaan lahaa misna lasoo xiri lahaa sheekada waxay bilaabatay iney si weynaato ilaa ay ka gaarto Aqalka Cad.
-30kii bishii April 1973dii Madaxweyne Nixson ayaa aqbalay in labo kamid ah lataliyayaashiisa ugu waaweyn ay kiiskaan ku lug leeyihiin.
-17dii Bishii May 1973dii waxaa la qabtay dhageysigii maxkamada ayadoona TVyada Mareykanka iyo kuwa caalamkaba toos looga wada daawanayay, waxaana bilaabatay shacbiyadii madaxweyne Nixson iney siweyn hoos ugu dhacdo.
-Baaritaanadii xigay waxay sheegeen in muuqaalada laga duubay Watergate cajaladahooda ay yaalaan Aqalka Cad, gudigii baaritaanada ayaana cajaladahaas dalbaday balse madaxweynaha oo adeegsanayo awoodiisa madaxweyne nimo ayaa ka biyo diiday arinkaas.
-Markii mudo la is jiidjiidayay ugu dambeyn Aqalka Cad ayaa ogolaaday inu dhiibo Cajaladahaas balse waa mar ay muuqaalo badan ka jareen ayagoona sheegay in si khalad ah u jareen, sidoo kalana CIA-da ayaa dhankeeda muuqaalo kale ka jartay cajaladahaas waxayna sheegeen muuqaalada ay jareen iney taabanayaan Amniga Qaranka sidaasna u jareen.
-24tii bishii July Maxkamada sare ayaa waxay amar ku bixisay in la keeno qeybaha maqan sidoo kalana waxay sheegtay in aysan dastuurka kamid aheyn in madaxweynaha awoodiisa u adeegsado arinkaas sidaas owgeed 30kii bishii July 1973dii waxaa la keenay dhammaan cajaladihii ayadoona lawada dhageystay.
-28dii bishii Janaayo 1974tii Madaxweyne Nixson waxaa lagu eedeeyay inuu ka been abuurtay FBI-da.
-1dii bishii Maarso 1974tii maxkamada ayaa waxay xukuntay 7dii qofood ee horay loosoo qabtay waxayna sidoo kale maxkamada tilmaantay in Madaxweynaha qeyb ka yahay kiiskaan.
-Waxaa xigtay in golaha Wakiilada ay u fadhiistaan arinta madaxweynaha si go’aan looga gaaro isla markaanaxirka looga qaado.
-Madaxweyne Nixson markii uu xaqiiqsaday in aqlabiyada golaha wakiilada kasoo horjeedaan sidoo kalana ay u badantahay in la casili doono ayuuna wuxuu go’aansaday inuu xilka iska casilo 8dii bishii Agoosto 1974tii asigoona kasoo hormuuqday Warbaahinta si Live ahna isku casilay.
-8dii bishii xigtay ee Sebtember 1974tii waxaa xilka la wareegay madaxweyne Gerrard Ford asigoona cafis madaxweynenimo u fidiyay Richard Nixson.
-Sanadkii 2005tii waxaa la ogaaday qofkii diiday magaciisa inuu xuso ee siraha badan kashifay wuxuuna ahaa ku xigeenkii madaxa FBI-da ninka lagu magacaabo Mark William Falt.
NATIIJOOYINKII KASOO BAXAY FADEEXADII WATERGATE.
-is casilaadii madaxweyne Nixson iyo in xilka laga qaado qaar kamid ah ragii caawin jiray.
-Xisbiga Jamhuuriga ayaa fadeexadaas wuxuu ku waayay 5 kursi oo Kongreska Mareykanka ah iyo 49 kursi oo golaha wakiilada ah kuwaasoo ay la wareegeen Dimuqraadiyiinta.
-Waxaa la badalay nadaamkii maalgalinta ol’olaha doorashooyinka kuwaasoo lahoos geeyay baaritaanada FBA-da.
-Fadeexo weyn oo bartaka ay ka galeen Mareykanka kadib markii sheekada banaanka usoo baxday ayadoona dowladaha caalamka siyaabo kaladuwan uga hadleen.
DHAMAAD.
W-Q: Anteeno: Falcelintaada sida, Share Comment waa noo muhiim.MAHADSANIDIIN.