Agaasimaha Laanta Afka Soomaliga ee Idaacada SBS Xassan Jamac ayaa booqasho shaqo oo uu ku tagey magaalada Perth ee gobalka (Western Australia) waxa uu waraysiyo la yeeshey qayb ka mida hormuudka Jaaliyada Soomaliya ee ku dhaqan gobalkaas. Aden Daqare, oo ka mida hormuudkii la wareystay ayaa waxa uu ka taariikheynayaa sooyaalkii uu usoo taagnaa intii uu wadanka Australia ku noolaa, isagoo sidoo kalena ka sheekeynaya dhinacyo ka mida nolasha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia ku dhaqan.