Xaliimo Magool (Nooleed May 2, 1948 – Maarso 19, 2004) waxa ay ahayd hobolad caan ka ahayd gayiga Soomaaliyeed, Waxaana loo yaqaane Boqorada Codka. Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Magool loo siiyay magaca weyn ee Boqorada Codka Fanka Soomaaliyeed.Intaasi waxaa dheer, Magool waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Magool Qurux.
Taariikhda Magool
Xaliimo Khaliif Magool waxay ku dhalatey meel u dhow magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir, ee dalka Soomaaliya. Ayada oo yar ayaa waalidkeed u soo wareejiyay magaalada Muqdisho halkaasi ooy ku qaadatey waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe. Ka dib, qiyaastii sanadkii 1969kii ayaa Magool biloowday ineey heesto.
waxa ay dhimatay sanadii 2004 waxaana lagu aasay duleedka muqdisho gaar ahaan meesha maanta loo yaqaano Calamada .
Heesaha Fanaanada
Fanaanada Xaliimo Khaliif waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg. Waxaana ka heli kartaa goobta keedka ugu ween heesaha soomaaliyeed ee Masuul waa kan link http://masuul.com/hees/artist/h/halimo-khalif-magooll
Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Heesaha fanaanada Magool qaado waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa
- Heesta Dhirta Xididka Hoose.
- Heesta Godadle
- Dookhna waa kan igu jira: waxa si talantaali ah uwada qaadayaan Saalax Qaasim iyo Magool
- Heesta Ma Hiigaan
- Heesta Godadle: waxa wada qaadaya Hibo Nuura, Axmed Mooge iyo Xaliimo Khaliif Magool.
- Heesta Xalayto
- Heesta Ha iga Goosan Caawa: waxa si talantaali ah u qaadaya Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Xaliimo Khaliif Magool
- Heesta Nebi Amaan
- Heesta Afrikaay Toos: waxa si talantaali ah u qaadaya Xasan Aaden Samatar, Hibo Nuura iyo Xaliimo Khaliif Magool
Faalo
Magool waxa ay ku dhalatey gobolka Galgaduud, Degmadiisa Dhuusa Mareeb sanadkii 1948.Waxa dhalay Caalimka weyn ee aad looga yaqaanay Gobolada Dhexe Lana oran jiray Sheeq Cumar Shareeco, Dadka qaarna u yaqaanaan Qaliif Cumar. Qoyska ay kso jeedo fanaadu ayaa ah qoys aa looga xushmeyo goboladadexe iyo koofurta Soomaliyaba. Aabaheed Qaliid Cumar waxa uun ku aasan yahay Masjid kuyaala Degmada Dhuusamareeb,halka oosanad wa;lagu siyaarto qalifka.Qabriga qalifa ayaa ku yla xaafada Waabari AUN Maarso 4, 2016 // Wayback Machine, ” 1948 waxa ay ku dhalatay Gobolka Galgaduud degmadiisa [Dhuusamareeb]]. ayada oo yar ayee u soo guurtay magaalada Muqdisho, waxa ayna ku soo kortay guriga abtigeed maxamed xaaji. Kadibna waxa ay usii guurtay magaalada Hargeysa halkas oo eey fanka ka soo gashay .wax yar kadib waxeey dib ugu soo laabatay maagalada muqdisho, halkaa oo aad uga hana qaaday fankeedii.Xaliimo Khaliif Magool allaha u naxariistee waxa ay ku geeriyootay magaalada Amistardaam ee caasimada dalka Holand taariikhda marka ee eheed 19 Maarso 2004. Heesteedii ugu horeeysay ee qaado waxa eey eheed heesta lagu magacaabo (banaadiri), kadib neh si is daba joog ah ayaa loogu dhiibaayay heesaha eey ku luuqeeyso xaliimo khaliif ,heer eey gaarto in eey u tartamaan abwaaniintii heesaha curun jirtay iyo fanaaniintii jeclaa in eey la qaadaan xaliimo khaliif. waxaa lagu xasuustaa xaliimo khaliif heesihii eey qaday oo nuuc walbo lahaa iyo waliba heesihii ee ka qaaday shirkii midawga afrika ee lagu qabtay magaalada muqdisho oo ayada iyo fanaaniin eey ka mid yihiin mxamed suleymaan tubeec salaad maxamed shardi s/darbi iyo seynab cige iyo kuwa kalaba eey aad ugu guubaabiyey madaxdii africa in eey wadamadooda gumeysiga kala tashan oo ayaka maskaxdooda ka maamulaan ,sidoo kale xaliimo khaliif cumar (magool) allaha u naxaariistee heesahee qaadi jirtay waxee u badnaayee kuwa jeceelka oo aad iyo aad ugu helaan dadka soomaaliyeed kuwaas oo inta badan labalabo ula wadaagi jirtay faniinta kale ee raga ahaa siiba kuwoodii ugu caansanaa fanaaniintii xiligaas sida
- maxamed suleymaan waa tubeec
- maxamed nuur giriig
- maxamed axmed kuluc
- maxamed jaamac joof
- maxamed mooge liibaan
- maxamed yuusuf cabdi
- maxamed warsame qas aali
- axmed mooge shimbir liibaan
- axmed cali cigaal
- axmed nuur jaangow
- cabdi salaad aadan (beerdilaacshe)
- cabdi qadar xasan xuseen
- cabdi nuur allaale
- cabdalla yuusuf (hanuuniye)
- cabdi tahliil warsame
- cusmaan cabdi kariim (gacan laaw)
- salaad maxamed shardi (s/darbi)
xasan aadan samatar
- xasan diiriye faarax
- abdisalan awil jama
iyo kuwa oo aanan soo koobi karin,abwaanada sida weyn heesahooda ugu dhiibay xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaa ka mid ah ;
- maxamed cali kaariye
- xasan xaaji cabdullaahi (xasan ganey)
- cabdul qaadir cali cigaal (cirro)
- abwaan qurbaawi *cabdi muxumud amiin
iyo kuwa kale oo fara badan xaliimo khaliif cumar (magool) heesaha eey ku luuqeeyso ee wadaniga ah wee badan yihiin waxaana ka maid ah “Nin ku siray wax kuu sheeg” oo si wada jir ah ula qaadayaan fanaaniinta kala ah
- maxamed suleymaan tubeec
- saynab cige
- salaad maxamed shardi salaad darbi
heesta kale ee la yiraahdo ((ka digtoonaw dab walaaqay noqotey )) oo eey la qaado fanaaniinta kala ah
- cabdalla yuusuf hanuuniye
- haboon cabdillaahi .
waxaa kaloo kamid ah heesaha wadaniga eey ku luuqeeyso “nin lagu seexdoow ha seexan”, “maanta manta maanta waa maalin weyne maanta” “soomaali dooylaay afrikay hurudooy” iyo in badan oo aanan soo koobi karin.Xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxeey si aa ah u qaadaa heesaha jaceylka ah oo si aan caadi aheey u jecelyihiin dadka soomaaliyeed waxaana ka maid ah heesahaas . Ninankiinii anigaa imidee sida sida dalsan neyruus raxmad aramidu caashaqa habaayicin qormo ashqaraar iimaanso amaantaada u hub qaado meelkale dalmaro goronyo cowl alleylahe jaceylkii hibooy aan is helno boqorkii quruxda aqoon idil sida canabka neeraha banaadir subcis wabiyo isu oomani shimbiryoow radkii jaceylka gododley jaceyl dhiig malagu qoray iyo kuwa kale oo badan . sidoo kale xaliimo khaliif cumar barre (magool)waxa eey qaadaa oo ku luuqeeysaa qasiidooyin [nabi amaan ah ] oo add u fara badan waxaana ka mid ah inta raacday ((((NABIGEE)))) rafiiqiise noqotee madad madaad iyo kuwa kale oo badan oo aan la soo koobi karin. Xaliimo khaliif cumar barre (magool) markii qabtii dhacday kama eeysan bixin dalka ee waxa eey ku nooleed magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada taleex oo eey ku yebsatay walaalaheeda soomaaliyeed wixii soogaaray oo burbur ahaa .xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxa eey eheed mid eey aad u jecelyihiin dadka soomaaliyeed gaar ahaan dadka fanka ku dhex jira ,kuwaaoo inta badan ku imana in eey qof dabeecad wanaagsan oo dul qaad badan aheeyd xaliimo khaliif (magool) . hadaba sanadku markuu ahaa 19 3 2004 ayee ku geeriyootay allaha u naxariistee xaliimo khaliif cumar barre (magool) magaalada (amistardam) ee dalka (holan)wax caruur ahna ma eysan dhalin xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaana lagu aasay duleedka magaalada (afgooye) ee dalkeena soomaaliya taariikhdu markey aheyd 22 3 2004 .waxaana loo sameeyay aas qaran oo ka soo qeyb galeen dhamaan nuucyada kala duwan ee bulshada soomaaliyee ,aaska xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxa oo u dhacay si aan caadi aheey kaasoo keentay in dadku is qabsadaan inta u dhaxeysa magaalooyinka (muqdisho-ilaa-afgooye)ayakoo gaaraya 20 kun ka badan .Hadaba xaliimo khaliif cumar barre (magool) waxaan ilaah uga baryeenaa in uu danbigeeda u dhaafo qabrigana u waasiciyo janiisa fardowsa aheed ka waraabiyo . Xaliimo waxa ay fanka isaga harty intii aanay xanunsan, waxaanan goobjoog u ahaa in ay diiday xaflado dhaqaale badan loogu balan qaaday. Mudooyinkii danbe fanaandu waxa ay ahayd qof aad u cibaadeysta waxayna ka wadatay aduunkaan tusbax dheer iyo go aad u cad, waa markii iigu danbeeysay muuqaalkeeda oo a muqdisho ku soo booqday gurigeeda. Waxa ay aad ugu faraxsanayd nolosheda cusub waxanya noo sheegay in ay Alle SWC iyo rasuulisa CSW jeceshahay ayna la dhiman doonto jeceylkooda.
isha xogta
https://en.wikipedia.org/wiki/Magool
Hubinta Xaqiiqda
Waxaan ku dadaalnaa saxnaanta iyo caddaaladda. Haddii aad aragto wax aan sax ahayn, Nala soo xidhiidh