Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhashay magaalada Garbaharrey, 6da bishiii Oktoobar 1919kii, wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria bishii Janaayo 2 sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir.
noloshiisa hore
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Oo Yaraantiisi Ahaa Wiil Yar Oo Reer Baadiye Ah Hooyadiis Waxaa La Oran Jiray Shaqlan Warfaa, Waxeyna Geeriyootay Asagoo Sideed Jir Ah, Aabihiisna Wuxuu Geeriyooday 2 Sano Kaddib Maxamed Siyaad Bare oo 10 jir ah, waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo, wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne”, inkastoo ay dadkii yaqaanay Maxamed Siyaad Barre ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii colkaas. Waxaa Radio Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaankuba ay qori jireen in uu Siyaad Bare ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa Ciidamadii uu hogaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii Talyaanigu la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaalo deegaanka Dhuuso Mareeb 1930-kii, Xersi Bare oo ahaaa Max’ed Siyaad Bare adeerkiis, ahana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashaddii maxamedSiyaad Bare abaarihii sanadkii 1933-dii, 1933-dii. Sanadkii 1936-dii ayaa Maxamed Siyaad Bare ka soo tagay Xoolihii MIYIGA oo uu xanaaneyn jiray waxuu yimid Degmada Dhuuso Mareeb, wuxuuna uga sii gudbay magaalada Beledweyne, wuxuu iska diiwaangaliyey Ciidamo tababar ku galayey xerada tababarada ee Beledwenye Sanadkii 1936, Markii uu tababarka uu dhameystey waxaa loo soo bedeley Magaalada Mogadishu si uu u qaato tababar dheeri ah waxaa la geeyey Xeradii Ciidamada ee ku taalay degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada 1939-kii, kaddib markii loo soo sheegay geeridii laba adeeradiis ah oo kale ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuuso Mareeb oo cidiisu degenaayeen. wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo jiray Faadumo AwMuse Sanadkii 1941-dii markaas oo uu Ingiriisku kala wareegay awoodii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii 2aad ee Dunida lagu jebiyey. Jaalle maxamd Siyaad wuxuu ku biirey Ciidankii ingiriiska, wuxuuna dalacaadii ugu horeysay oo aheyd Alifle helay Sanadkii 1941-dii, Alifkii 2aad wuxuu qaatay Sanadkii 1944 kii, waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada Nairobi Dugsiga la yiraahdo “Gin School” waxaana tababarkaas kaddib uu noqday kormeere Koowaad. Wadanka waxaa dib ugu soo laabtey talyaniga 1950kii, Maxamed Siyaad Bare oo saddex xarigle ah waxaa loo qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1952-dii . 16-kii October, 1954-tii ayuu Siyaad Bare qaatay Xidigtii ugu horeesay uuna noqday Sarkaal. maxamed Siyaad Bare wuxuu laba xidigle u dalacay sanadii 1955-tii asigoo sanadki 1957-dii noqday kabtan ama Dhamme kaddib 1958-dii waxaa uu Maxamed Siyaad Bare noqday Dhamme ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. waxaana loo magacaabay Xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. 1960-kii, April 12, 1960-kii waxaa la dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya uuna hogaaminaayay Generaalkii sida aadka ah loo jeclaa Generaal Daauud C/laahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii 1965tii uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Maxamed Siyaad Bare asigoo noqday taliyihii Xooga Dalka Soomaaliya, 15 octoobar 1969 waxaa la diley madaxweyne cabdirashiid cali sharmaarke sidaa dalka wuxuu ku noqdey madaxweyne la,aan, 21kii Octobar 1969 ayaa ciidanka xooga oo uu hogaaminayo Jaale maaxamed Siyaad Barre iyo rag kale ayaa afgambi si lama filaan ah ku qabsadey wadanka waliba si nabad ah oo aan dhiig ku daadan.
Jeneraal sare Salaad Gabeyre Kediye iyo Hogaamiyaha sare ee ciidanka amaanka Jaamac Korshel ayaa ka mid ahaa raga safka hore kaga jirey ee suurtogeliyey in afgambigu si guul ah ku dhaco, Mudane Kediye wuxuu ahaa oo lagu magacaabayay “Aabaha Kacaanka” jaalle maxamed siyaad Wuxuu bedeley barlamaankii iyo Maxkamaddii sare iyadoo dartuurkana dib u habeyn uu ku sameeyey. Wakhti yar xukunka iyo hogaaminta Xisbiga Kacaanka Umada ayaa Jaale maxamed Siyaad Barre wuxuu qaatey magaca Guulwade asagoo isku fidiyey maamulka iyo hogaanka dowlada cusub ee markaasi taaboqaadeysay.
Xubnihii golihii sare ee kacaanka
Hogaamiye
1- Gen. Maxamed Siyaad Barre
Ku xigeenka
2- Maj.-Gen. Jaamac Cali Korshel
Xubno
3- Lt.-Col. Salaad Gabeyre Kediye
4- Lt.-Col. Muhammad Ali Samatar
5- Brig.- Gen. Hussein Kulmiye Afrah
6- Lt.-Col. Ahmed Mohamoud Ade
7- Maj.-Gen. Muhammad Ainanshe
8- Lt.-Col. Abdullah Mohamed Fadil
9- Lt.-Col. Ali Matan Hashi
10- Capt. Ahmed Hassan Musa
11- Maj. Muhammad Sh. Osman
12- Maj. Ismail Ali Abucar
13- Maj. Muhammad Ali Shirreh
14- Maj. Ahmed Suleiman Abdulle
15- Maj. Mohamoud Ghelle Yusuf
16- Maj. Farah Wais Dulleh
17- Capt. Musa Rabille Goede
18- Capt. Ahmed Muhammad Farah
19- Capt. Muhammad Omer Ges
20- Capt. Osman Mohamed Jelle
21- Capt. Abdi Warsama Isaak
22- Capt. Abdirazak Mahamud Abubakar
23- Capt. Abdulkadir Haji Muhamad.
Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka Soomaaliya wuxuu gaadhsiiyey umada iyo wadanka Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ee Soomaali waligeed gaadho. Waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey wershado faro badan. Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna Soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awooda badan Qaaradda Afrika. Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xoowli ah u koray. Dadka Soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh. Dowladdii jaalle maxamed siyaad waxay aheyd dowlad shuuci ah (Hanti Wadaag) Bishii luuliyo 1976kii ayaa xisbigii Guulwade Siyaad Barre baabi’iyey Golihii Sare ee Kacaanka midaasi ooy ku bedeleen Xisbiga Kacaanka Umada Soomaaliya|, midkaasi oo ku salaysnaa fikrada ah hal dowlad oo wadanka ku maamusha sharciga bulshada iyo diinta islaamka, midaasi oo qorshuhu ahaa in a la is waafajiyo dhaqanka bulshada reer guuraaga ee Soomaaliyeed iyo nidaamka Shuuciga isla markaana meelo badan laga soo xigto Quraanka Kariimka,
Dhacdooyinkii xumaa ama wanaagsanaa iyo Faaiidooyinkii kacaanka Maxamed siyaad..
1. . 1. 20 oktoobar 1970 wuxuu jaalle siyaad ku dhawaaqey in soomaaliya noqotey shuuci.
2. 2.. Meey, 5, 1971 jaalle siyaad wuxuu xirey qaar ka mid ah raggii ugu sareeyey kacaan oo uu ku jiro salad gabeyre kadiye oo markaa ahaa ku xigeenka siyaad barre, salad gabeyre markii dambe waa la diley.
3. 3. January -21 – 1971 waxaa la dhisay guddigii qoridda afka hooyo.
4. 4. 1972 Qoriddii Afka hooyo ( Afsoomaali).
5. 5. 16kii February 1974 soomaaliya waxay ku biirtey jaamacadda carabta oo hadda fadhiid noqotey.
6. 6. January – 11- 1975 jaalle siyaad wuxuu soo saarey xeerkii qoyska oo simayey dhaxalka ragga iyo dumarka kaasi oo lid ku ah diinteena islaamka. isagoo ka hadlaayo xeerkaas wuxuu yiri:
7. 7. January- 23 – 1975 waxaa la laayey culimo ka hortimid xeerkii jaalle siyaad uu soo saarey.
8. 8. Jullaayo – 1977 Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhacay, jaale siyaad mar uu ka hadley dhulalka dowladaha deriska ay naga heystaan iyo dhulka jabuuti oo markaa faranciisku heystey wuxuu yiri:-
waxaa fashilmey afgambi lala damacsanaa jaalle siyaad, waxaa la toogtey qaar ka mid ah kuwii afgambiga isku dayey oo uu ku jiro korneel Mohamed Osman oo hogaaminaayey.
10 10. May 1988 Dagaalkii gobolada waqooyi ee lagu laayey dad aan waxba galabsan.
Dowladdii jaalle maxamed siyaad wadanka horumar balaaran ayey gaarsiisay waxaa iska wax uqabso lagu dhisay iskuulo, jidad, warshado iyo waxyaabo kale oo badan, warshadihii la dhisay waxaa ka mid ahaa warshaddii kalluunka ee laasqorey oo la dhisay 1970, warshaddii hilibka ee kismaanyo oo la dhisay 1973kii, warshaddii shamiindada (sibidhka) ee barbara.
Dowladdii waxyaabaha kale ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah ololihii horumarinta reer miyiga iyo baristii qorista iyo akhrinta afsoomaaliga oo bilowdey 1974 socdeyna ilaa 1975, waxaa lagu bilaawey Caasimadda Xamar Iyada Oo Shaqaalaha Dowladda Lagu Amrey In Ay Ku Bartaan Qoridda Iyo Akhrinta Afka Hooyo 3 Gudohood Ka Dib Qoriddii Farta Soomaaliga 1972, Ololahaasi Waxaa Ka Qeybqaatey 25000 Ardey, 3000 Ciidanka Xoogga Si Ay U Tagaan Miyi Iyo Magaalaba Si Dadka Loo Baro Qorista Iyo Akhrinta Afsoomaaliga,
Fashilkii Kacaankii:
Siyaasadii Kacaanka Soomaaliya Waafashilantay Markii Rushkii Aay Ku Tiirsanayd Ka Hortimid,Sida Laga Warqabo Soomaalida Waqtigaas Waxa Gacanta Ku Hayey Wadamada Hanti Wadaaga Oo Rushku Ugu Horeeyo, Markii Wadamadii Aay Ku Tiirsanayd Aay Ka Hortimid Soomaalidu Waxay Uguurtey Wadamada Reer Galbeedka, Kuwaas Oo Soomalida U Ciilqabay,Taasoo Ka Dhalatey Shuuciyada Soomaalidu Dhexgashay, Markii Wadamada Reer Gaalbeedku Soomaalida Xiriirkoodi Hore Soo Laabtay Shuuciyadina Meesha Ka Baxday,Waxaa Dhacday In Wadanka Siyaasadiisa Si Kale Isu Badashay, Waxay Soo Jeediyeen In Wadanka Doorasho Xor Ah Ka Dhacdo Oo Laga Baxo Xisbi Kaliya,Ama Madaxweynaha Shaqada Ka Fariisto, Arintaasi Ma Suuro Galin, Jaalle maxamed Siyaadna Xilkii Waa Laga Fujin Waayey Oo Qolyihii Reer Galbeedka Waxay Sameeyeen In Wadanka La Afgambiyo Oo Xilka Wadanka Uu Qabto Qof Aay Siyaasadiisa Reer Galbeedka Ujanjeerto, Hase Yeeshee Arintaasi Si Kale Ayey Noqotay, Soomaaliya Waxay Isu Badashay Dagaal Sokeeye Oo Dabo Dheeraaday, Oo Waxa La Oran Karaa Reer Galbeedkii Waxay Ku Fashilmeen Wixii Aay Soomaaliya La Doonayeen Oo Waxay Qaaday Wado Khaldan Oo Aan Lagu Tala Galin, Ila Wadamadii Soomaaliya Afgambiyey Ee Reer Galbeedka Laftigoodii Ku Halaagsameen Oo Dad Badan Uga Dhintay Khiyaamadii Aay Galeen Ayaa La Rogmatay. Si Kastaba Ha Ahaatee, 21 Sano Oo Xukun Milatari Ka Dib Ayaa Xoogii Kacaanka Umada Soomaaliya Lagu Khasbey Ineey Ka Baxaan Magaalo Madaxda Wadanaka Midaasi Ooy Ka Dambeeyeen Ururo Mucaarad Iyo Dagaalyahano Qabiilo U Dagaalamaya Iyo Wadamada Shisheeye.
Dhicistii dowladdii Jaalle siyaad iyo Geeridiisa
Markiiay uu xoogeystey dagaalkii jabhadaha ay kula jireen dowladdii jaalle siyaad, jabhadihii waxay bilaaween dhac iyo in ay xafiisyada dowladda wixii yaaley oo sir ah ay banaanka ku daadiyaan iyagoo u tureyn dalkooda sirtiisa, alle ha u naxariistee jaalle siyaad wuxuu jeediyey khudbadii ugu dambeysay oo uu kula hadley jabhadihii dhibaatada wadey khudbaddiisa waxaa ka mid ahaa:
Bishii Janaayo 26 keedii ee 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada Dowladii Kacaanka Ee Ka Talineeysay Wadanka Soomaaliya, Asaga Oo Wadanka Ka Baxay, Waxaa magangalyo Siyaasadeed Usoo Bandhigey Dowlado Ay Ka Mid Yihiin Mareykanka, Cuba, Ruushka, kenya, yemen, Sacuudiga iyo Nigeria, Wuxuuna Doortey Nigeria Isagoo Diidey Kuwii Kale, Mar Wax Laga Weydiiyey Sababta Uu Doortey Nigeria Una Diidey Kuwa Kale Ayuu Ku Jawaabey: “ Dalkeygii Iyaga Ayaa Burburiyey Waxaan Ahay Afrikaan Ma Doonayo Inaan Ku Dhinto Meel Aan Afrika Aheyn, Kenya Waxaan Ku Diidey Dhulkeyga Ayey Xalaashaneysaa Oo Deris Ayaa Nahay, Markaa Nigeria Soohdin Nooma Dhexeyso”
Wuxuu Ku Dhintey Magaalada Lagos Ee Dalka Nigeria Magaalada Lagos Bishii Janaayo 2 deeda Ee Sanadkii 1995dii Asagoo Ah 75 Sano jir ah wuxuuna u geeriyoodey cudurka sokorta sida qaar ka mid ah qaraabadiisa ay laanta afsoomaaliga VOA ay u sheegeen, Maalmo Ka Dib Waxaa Lagu Aasay Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.
isha xogta
Qaar ka mid ah xogahaan waxaan kasoo xigtay Villasomaliya.com
https://so.wikipedia.org/wiki/Siyaad_Barre
Hubinta Xaqiiqda
Waxaan ku dadaalnaa saxnaanta iyo caddaaladda. Haddii aad aragto wax aan sax ahayn, Nala soo xidhiidh