By using this site, you agree to the Privacy Policy and Terms of Use.
Accept
somali bloggersomali blogger
  • Home
  • Blog Categories
    • wordpress tutorial
    • latest technology
    • Suuqgeynta affiliate marketing
    • arimaha diinta
    • macluumaad
  • Podcast
  • English articles
  • Biography
  • About Us
  • Contact
Sign In
Notification Show More
Latest News
What Is Caawiye app? Everything a Beginner Needs to Know
Waa maxay Caawiye app? appka suaalaha iyo jawaabaha!
latest technology
sidee baan ugu noqon karaa mid wax soo saar leh oo caan ku ah bulshada dhexdeeda
sidee baan ugu noqon karaa mid wax soo saar leh oo caan ku ah bulshada dhexdeeda
Suuqgeynta affiliate marketing
Waa maxay Shahaadada SSL? Muhiimada ay leedahay!
Waa maxay Shahaadada SSL? Muhiimada ay leedahay!
latest technology
Sidee loo sameeyaa Xayaysiiska Facebook?
Sidee loo sameeyaa Xayaysiiska Facebook?
Suuqgeynta affiliate marketing
Faa’idooyinka Ay Leedahay Bilaabidda Podcast
Waa Maxay Podcast! Faa’idooyinka Ay Leedahay Bilaabidda Podcast
Suuqgeynta affiliate marketing
somali bloggersomali blogger
  • Home
  • Biography
  • Podcast
  • English articles
  • My Bookmarks
  • About Us
  • Contact
Search
  • Home
  • Blog Categories
    • wordpress tutorial
    • latest technology
    • Suuqgeynta affiliate marketing
    • arimaha diinta
    • macluumaad
  • Podcast
  • English articles
  • Biography
  • About Us
  • Contact
Have an existing account? Sign In
Follow US
somali blogger > biography > Salamah ibnu Al-akwac Saxaabigii Fardaha ka dheerayn jiray!

Salamah ibnu Al-akwac Saxaabigii Fardaha ka dheerayn jiray!

somaliadmin
By somaliadmin
Share
6 Min Read
Salamah ibnu Al-akwac
Photo by Pixabay on Pexels.com

qisada saxaabiga Salamah ibnu Al-akwac

Wuxuu Imaam Axmed kasoo wariyey Salamah ibnu Al-akwac inuu yidhi, Waxaan nimid magaalada Madiina xilligii lagu jiray heshiiskii Xudaybiya aniga oo la socda Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) waxaana baxay aniga iyo Rabaax oo ahaa wiilkii u adeegi jiray Nabiga, waxaanan qaatay faras uu lahaa Dalxa ibnu Cubaydilaah anigoo ku raacaya geela Markaan maraynay Qalsi ayaa waxa soo weeraray geelii Nabiga (N.N.K.H) Cabdiraxmaan ibnu Cuyayna, wuxuuna dilay cidii raacaysay geela waxayna ku  eryadeen geelii fardo isaga iyo rag kale, maraaksaan ku dhahay Rabaax; Rabaaxoow faraskan qaado oo ku gaadh Dalxa una soo sheeg Nabiga in lasoo weeraray geeliisii.

Wuxuuna yidhi Salamah, Waxaan fuulay taago yar oo waxaan wajigayga qaabilsiiyey dhanka Madiina, markaasaan qayliyey sadex jeer, waxaana isoo dabo galay colkii anigoo sita seeftaydii iyo leebabkaygii, waxaanan ku tuuray leebabkii anigoo ka boqma gooyey fardahoodii gaar ahaan markay dhirta usoo dhowaadaan. Ku kasta oo faras saaran oo isoo qaabila waxaan ka fadhiisiyaa faraska, markaan leeb ku tuuraba waxaan dhahaa: waxaan aha wiilkii Akwac, maantana waa maalintii la halaagayey doqomada.

Wuxuu yidhi, waxaan daba galay nin awr saarnaa markaasbaan ku tuuray leebkii wuxuuna kaga dhacay garabka markaasbaan idhi; ka qabso wiilkii Akwac, maanta waa maalintii halaaga doqomada.

Intaan geedka joogay ayaan waxaan ku miisay leebabkii, kolka wadadu cidhiidhi ay noqotana waxaaan fuulaa buurta oon kusoo tuuraa dhagxaan. Sidaasbaanan isku ahayn illamaayo ay igu soo tuureen sodon waran iyo sodon falaadhood, markasta oo ay soo tuuraana waran ama falaadh waxaan aniguna ugu badalaa dhagxaan.

Markii Subaxii la gaadhay ayaa waxa u yimid Cuyayna ibnu Badar Al-fazaari, aniguna waxaan sare usii fuulay buurtii, markaasuu yidhi Cuyayna: waa kuma qofkaa aan arkaa? waxay dhaheen: halkanbaan kula kulnay, nagamanuusan faaruqin ilaa xalay.

Cuyayna wuxuu yidhi: hadii aanay cidi ka danbayn wuu iska tagi lahaa!! ee koox idinka mid ah ha ku kacdo oo ha caydhiso ninka ama dila!! Wuxuu yidhi Salamah: afar nin ayaa kacay oo soo fuulay buurtii markaasaan ku dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee ma i gaadhaysaan, kiina doona inuu i qabto ima gaadhayo, kaan anigu doonana waan qabanayaa!!

Wuxu yidhi Salama ibnu Al-akwac: Halkii ayaan joogay illamaayo ay ii yimaadeen madad kayimd Rasuulkii Ilaahay oo uu  ugu horeeyo Akhram oo saaran faras, waxaana ku xigay Abuqataada oo saaran faras, waxaana kasii danbeeyey Miqdaad ibnu Al-aswad. Markay gaaladii aragtay madadka ayey yaaceen, waxaana doonay inuu  caydhsado Akhram markaasbaan ku dhahay: Akhramoow, nimanka iska jir oo ka digtoonow, markaasu dhahay Akhmar: waxaan jecelahay inaan Ilaahay dartii u shahiido, kadibna wuxuu gaadhay Cabdiraxmaan ibnu Cuyayna oo saaran faskiisii, waxayna is dhaafsadeen seeftii kadibna faraskii ayuu ka boqmo gooyey Cabdiraxmaan ibnu Cuyayna laakiin seeftii ayaa ku dhacday Akhram waanu shahiiday, wuxuuna Cabdiraxmaankii qaatay faraskii Akhram.Dabadeedna waxa caydhsaday gaalkii Abuqatada waanu dilay, wuxuuna lasoo tagay faraskii Akhram.

Salamaha wuxuu yidhi: Aniguna waxaan eryaday colkii oo sidaan u baacsanayey ayey fadhiisteen mee ceel biyo ah oo waxay dooneen inay ka cabaan laakiin waxay arkeen anigoo eryanaya kadibna ninka mid ahaa ayaan ku tuuray leebkaygii, markaasbay firdhadeen oo waxaan kasoo dhacay laba faras, waxaanan u keenay Nabiga (N.N.K.H) isagoo jooga ceelkii aan ka eryey colkii, Bilaalalna wuxuu gawracay neef geela oo wuxuu shiilayey Beerkii geela.

Waxaanan u tagay Rasuulkii Ilaahay oon ku dhahay: Igu dar boqol nin oo saxaabadaada ah aan ka dabo tago gaalada oo mid kaliya yaanan ka reebine!! markaasuu dhahay: “ma sidaasbaad rabtaa inaad samayso Salamooy?” waxaan idhi: Haa, Markaasu qoslay Nabigu illamaayo aan ka arkay gaws danbeedkiisa, wuxuuna yidhi: waxay iminka sii ordayaan dhulkii reer Qadafaan.

Kadibna waxa yimid nin reer Qadafaan ah wuxuuna dhahay: waxay nimankii sii mareen hebelkii reer Qadafaan, markaasay gawraceen hal balse markay haragii ka saareen ayey arkeen boodh meel ka kacay kadibna way yaaceen oo katageen hashii.

Markii waabarigii la gaadhay ayuu Nabigu dhahay: “Farda fuulada waxa ugu wanaagsanaa Abuqatadah, raga lugaynayana Salamah ibnu Al-akwac” waxaana la siiyey dheeftii farda fuulaha iyo dheeftii ninka luagaynayaba.

Wuxuu yidhi Salmah ibnu Al-akwac: Intaan jidka kusii jirnay ayaa waxa dhawaaqay nin leh” Yaa ila tartamaya? Nin ila tartamaa ma idinku jiraa? Weedhaasbaanu ku celceliyey kadibna waxaan idhi: Waar miyaanad nin sharflehba sharfayn, kana haybdaysanayn nin shariif ah? wuxuu yidhi: Maya, marka laga reebo Rasuulka Ilaahay!!

Kadibna waan la tartamay oo waxaan dhahay: hore u soco waxaanu kaxaystay hashiisii, waaan ka danbeeyey kadibna intaan kaxaystay hashaydii ayaan gaadhay oon taabtay garabkkisa anigoo leh waan kaa dheereeyey. Waxaananan tagnay magaalada Madiina, markii sadex casho soo wareegtayna waxa dhacay dagaalkii Khaybar.

isha xogta

WD Gaaldiid

Hubinta Xaqiiqda

Waxaan ku dadaalnaa saxnaanta iyo caddaaladda. Haddii aad aragto wax aan sax ahayn, Nala soo xidhiidh

Sign Up For Daily Newsletter

Be keep up! Get the latest breaking news delivered straight to your inbox.

Subscribe our Newsletter for new blog posts!

By signing up, you agree to our Terms of Use and acknowledge the data practices in our Privacy Policy. You may unsubscribe at any time.
Share this Article
Facebook Twitter Whatsapp Whatsapp Copy Link Print
Previous Article Aar maanta Aar Maanta taariikhda fanaanka caanka ah Xasan-Nuur Sayid
Next Article Afghaanistaan flag Taariikhda! Wadanka Afghaanistaan
Leave a comment Leave a comment

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recent Posts

  • Waa maxay Caawiye app? appka suaalaha iyo jawaabaha! February 22, 2023
  • sidee baan ugu noqon karaa mid wax soo saar leh oo caan ku ah bulshada dhexdeeda January 3, 2023
  • Waa maxay Shahaadada SSL? Muhiimada ay leedahay! December 13, 2022
  • Sidee loo sameeyaa Xayaysiiska Facebook? December 12, 2022
  • Waa Maxay Podcast! Faa’idooyinka Ay Leedahay Bilaabidda Podcast November 1, 2022
-

Categories

  • arimaha diinta6
  • latest technology12
  • macluumaad11
  • Suuqgeynta affiliate marketing9
  • wordpress tutorial7

Tags

100$ maalinkasta (2) aabaha (1) affiliate (1) affiliate freelancer (2) apps (1) billionaires (1) Bitcoins (1) blog (4) cabirka computerka (1) certificate (1) cryptocurrency (1) domain (1) Facebook (2) famous (1) Game of Thrones (1) google (1) google ads. (1) google AdSense (2) guul (1) hal-abuur (1) hard drive (1) horumar (1) hosting (1) isbedel (1) lacag (6) metaverse (1) money (1) playstore. (1) podcast (2) qoraal (1) russia (1) sahanka xogaha (2) seo (1) shaqo (3) shirkadaha (1) size (1) somaliya (1) ssl (1) suuqgeynta (1) taajir (1) taariikh (1) tutorials (2) website (4) wordpress (2) xirfado (1)
March 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
« Feb    

Newsletter

Subscribe our Newsletter for new blog posts!

You Might also Like

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

Taariikhda Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

5 months ago
Taariikhda Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas)

Taariikhda Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas)

5 months ago
Mohamed Saleebaan Tubeec

Taariikhda Mohamed Saleebaan Tubeec (Boqorka Codka)

5 months ago

About

Somali blogger is a free courses, articles and book summaries site The main goal of this site is to provide quality tutorials, tips, courses, tools and other resources, Get free courses and book summaries and more useful tutorial articles

Find Us on Socials

Important pages

  • Book Summary
  • Web Story
  • Contact
  • Terms and Conditions
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Customize Interests
  • My Bookmarks

Our Other sites

  • caawiye Q&A
  • Somnest web developer

Newsletter

Subscribe our Newsletter for new blog posts!

Our Mobile App

Download Now Mobile and enjoy it on your iPhone, android, and iPod touch... all from a modern mobile app powered by the somnest Platform.

Download In App Store Get It On Google Play

© 2022 Somali blogger! All Rights Reserved | Designed and Developed by Somnest

Removed from reading list

Undo
adbanner
AdBlock Detected
Our site is an advertising supported site. Please whitelist to support our site.
Okay, I'll Whitelist
Welcome Back!

Sign in to your account

Continue with Facebook
Continue with Google
Lost your password?